Aas-Aaska & Awoodda Sharciga ah

Constitutional Foundation, Establishment Framework, and Judicial Authorities of the Somali Regional State Courts

Establishment

Aas-Aaska Maxkamadaha

Maxkamadaha deegaanka waxaa uu Golaha Xildhibaanada Deegaanku sannadkii 1991-kii T.I. ku aasaasay hab waafaqsan Qod. 65 (1) ee Dastuurka Dawlada deegaanka Soomaalida ee dib-loo habeeyay iyo Bayaanka dib loo habeeyay ee tirsigiisu yahay 206/13.

Bayaankani wuxuu si buuxda u aasaasay heerarka kala duwan ee Maxkamadaha Deegaanka, islamarkaana u kala dhisay Maxkamadda Guud ee heer deegaan, Maxkamadaha Sare ee Gobolada, iyo Maxkamadaha Degmooyinka.

Legal Authority & Duties

Gudashada Waajibaadka & Awoodda Garsoorka

Maxkamadaha Deegaanku waxay shaqadooda u gutaan iyagoo leh madax-banaani buuxda. Marka ay shaqadooda ku guda jiraana waxay ka madax-banaan yihiin faragelin kasta oo kaga timaada hay'adaha dawladda, masuul dawladeed, ama cid kaleba.

Waxay awood garsoor u leeyihiin arrimaha deegaanka si toos ah iyo racfaan ahaanba, marka laga reebo awood garsoorka gaarka u ah maxkamadaha federaalka sida ku cad Bayaanka tirsigiisu yahay 1234/2021, Qodobka 80aad ee Dastuurka Federaalka, iyo Qodobka 68aad ee Dastuurka Dib-loo-habeeyay ee Dawladda Deegaanka Soomaalida.

Awood Garsoorka Heerarka Maxkamadaha

1. Maxkamadda Guud ee Deegaanka

Heer Deegaan

Waa maxkamadda ugu sarraysa hay’adda garsoorka ee deegaanka, waxayna leedahay awood garsoor oo kama-dambays ah iyada oo saldhig u ah Qodobka 78aad (3) ee DJDFI iyo Bayaanka 206/2013.

  • Awoodda Heer-Bilow (First-Instance): Dacwadaha gaarka ah iyo wareejinta dacwadaha u dhexeeya maxkamadaha sare.
  • Awoodda Racfaanka (Appeal): Go'aamada ka soo baxa Maxkamadaha Sare ee Gobolada.
  • Awoodda Dib-u-eegista (Cassation): Eegista go'aamada kama-dambaysta ah ee leh khaladaad sharci oo aasaasi ah.

2. Maxkamadaha Sare ee Gobolada

Heer Gobol

Waxaa loo aas-aasay in ay matalaan awood garsoorka heerka koowaad ee federaalka iyo deegaanka labadaba iyagoo fulinaya shuruucda taalla.

  • Dacwadaha Ciqaabta: Dacwadaha ciqaabta culus ee ka sarraysa 5 sano.
  • Awoodda Hantida: Hantida guurtada ah ee ka badanyahay 2,000,000 Birr, iyo hantida maguurtada ah ee ka badanyahay 3,000,000 Birr.
  • Racfaanka Degmooyinka: Dhagaysiga racfaanada ka yimaada Maxkamadaha Degmooyinka.

3. Maxkamadaha Degmooyinka & Maamul Magaalooyinka

Heer Degmo / Magaalo

Sida lagu xeeriyay Qodobka 10aad ee Bayaanka Maxkamadaha, waxay awood garsoor u leeyihiin:

  • Dacwadaha ciqaabta ah ee ciqaabtoodu ka hoosayso 5 sano.
  • Baadhista hore ee dembiyada culus ee ka dhaca awood garsoorka degmada.
  • Hantida guurtada ah ee aan ka badnayn 2,000,000 Birr iyo hantida maguurtada ah ee aan ka badnayn 3,000,000 Birr.
Scroll to Top