Maxkamadda Guud ee Dawlada Deegaanka Somaalida
Fidinta Adeeg Garsoor oo Hufan, Bulshadana Wadagaadha!
Mareegta Rasmiga ah ee Hay’adda Garsoorka Dawladda Deegaanka Somalidu ku Leedahay Barta Internetka
Madax-bannaani, Dhexdhexaadnimo, Cadcaddan iyo Isla-xisaabtan
Maktabadda sharciyada
Kaydka dhijitaalka ah ee dukumeentiyada rasmiga ah
Xogta dacwadaha maalin laha ah
Eeg dhageysiyada maanta, iyadoo loo kala saaray maxkamad iyo garsoore.
Lasocodka geeddisocodka Dacwadaha
Xaqiiji heerka ay marayso dacwaddadu iyo xiliga dambey ay dhagaysiga u ballansan tahay
Khidmadda Garsoorka
Ogoow qiimaha adeega khidmadda
WAX KA OGOOW!
Maxkamadda guud waa maxkamadda ugu sarreysa ee hay’adda garsoorka Dawladda Deegaanka Soomaalida, taas oo xarunta guud ee fadhigeedu yahay caasimadda Dawladda Deegaanka Soomaalida ee magaalada jigjiga Xafiiska maxkamada guud waxaa uu ku yaalaa xaafada 1aad ee degmo-hoosaadka Laaca waxaana hortiisa mara laamida weyn ee kayimaada harer una socda dhinaca dhagex-buur, Qabridahar iyo Godey. Waxay na laamidu kamartaa dhinaca koonfureed.
Maxkamadda guud oo ah maxkamadda ugu sarreysa ee hay’adda garsoorka dawladda deegaanka soomaalida ayaa waxay u aasaasan tahay ujeeddooyinkan soo socda;
- Ilaalinta xuquuqaha wadareed iyo kuwa shaqsi ahaaneed ee lagu damaanad qaaday dastuurka heer qaran iyo heer deegaan.
- Xalinta khilaafaadka ka dhex abuurma shaqsiyaadka kala duwan iyo bixinta go’aan caddaaladeed oo ku salaysan sharciga.
- Xaqiijinta sarreynta sharciga iyadoo ka qayb-qaadanaysa horumarinta nidaamka diimuqraadiyadeed.
Farrinta Guddoomiyaha
Guddomiyaha Maxkamadda Guud ee dawladda Deegaanka Soomaalida
2026 – ilaa hada
Araar
“Ku soo dhawaada Mareegta rasmiga ah ee Maxkamadaha ee Dawladda Degaanka Soomaalida.
Mareegtani waa mid loogu talo galay in ay macaamiisha ka caawiso xogaha maalinlaha ah ee la xidhiidha dacwadahooga iyo adeegyada kale ee ay maxkamadaha u soo doontaan. Sidoo kalena bahwadaagta iyo bulsho weyntu in ay ka dheegtaan Macluumaadka guud ahaan ku saabsan Hay’adda Garsoorka DDS. ”
Waad ku mahadsan tihiin soo booqashadiina aad soo booqateen mareegtayada.
XOGTA MAAREYNTA DACWADAHA MAXKAMADAHA DAWLADDA DEEGAANKA SOOMAALIDA EE SM 2018T.I
Shaqadeenna oo Tirooyin ah
TIRADA DACWADAHA SOO GALA MAXKAMADAHA
TIRADA DACWADAHA GOAANKA HELAY
TIRADA DACWADAHA U GUDUTAY SM 2019T.I
Galdacwadeedyada laga dhigay Digitalka ee lagu kaydiyay Eletroniga
Xigasho; Warbixin sannadeedkii 2018TI. Ee Maxkamadahan Dawladda Deegaanka Soomaalida
Waajibaadka iyo Masuuliyadda Dastuur ee Makamadda Guud DDS
Hawllaha muhiimka ah ee Maxkamadda Guud ee Degaanka Soomaalida ay ka taxadarto si loo hirgaliyo sarraynta sharciga iyo xaqsoor hufan.
1. Awoodda Garsoorka
- Dhageysiga Dacwadaha Racfaanka ah (Appellate Hearing): Waxay hubisaa oo dib u dhageysataa isla markaana go'aamo ka soo saartaa dacwadaha racfaanka ee ka yimaadda Maxkamadaha Gobolada iyo Degmooyinka.
- Awoodda Dib-u-eegista (Cassation): Waxay leedahay awoodda dib-u-eegista go'aamada garsoor in ay ku jiraan khaladaad sharci oo aasaasi ah, si loo sugo is-waafaqsanaanta shuruucda.
- Fasiraada Sharciga (Interpretation of Law): Waxay xaqiijisaa in go'aamada maamul, shuruucda deegaanka, iyo xukunnada maxkamaduhu ay ku qotomaan Dastuurka Deegaanka iyo Shuruucda Federaalka.
2. Maamulida & Maareynta Garsoorka
- Guddiga Maamulka Garsoorka: Waxay maamushaa shaqaaleysiinta, qiimaynta, kor u qaadista darajada, anshaxa iyo la xisaabtanka garsoorayaasha,
- Garaadaynta Nidaamka Dijitaalka: xirfadlayaasha sharciyada iyo xubnaha kale Guddigu ay magacaabaan ee ka hawlgala Maxkamadaha Degaanka.
-
Kobcinta Aqoonta: Waxay isku dubaridaa tababarada xirfadeed ee joogtada ah iyo tababarada ku sidkan shaqada ee garsoorayaasha, xirfadlayaasha sharciyada iyo xubnaha kale ee Guddigu ay magacaabaan.
"qodobkan 3aad ka buuxi Bayaanka Guddiga Maamulka Garsoorka"
3. Dhexdhexaadinta & U Adeeggista Shacabka
- Dhexdhexaadinta ay Maxkamaddu Hogaamiso: Waxay nidaamisaa dhexdhexaadinta ay maxkamaddu hogaamiso si loo xalliyo khilaafaadka madaniga ah, loo yareeyo culeyska Maxkamadaha ee dhanka geeddi-socodka faylasha, loona adkeeyo nabadda bulshada.
- Axdiga Adeegbixinta: Waxay meelmarisaa halbeegyada xaddidaadda muddo-dhagaysiga, hufnaanta khidmadaha, iyo aadaabta dhagaysiga si loo dhawro kalsoonida shacabka.
- Taageeridda Sharciga ah (Legal aid): Waxay fidisaa adeegyo sharci oo bilaash ah iyo cafinta khidmadaha adeegga maxkamadda ee dadka danyarta ah (faylmiskiin), caruurta, iyo dadka Nugulka ah (Vulnerable Groups).
Fahanka Jadwalka Kiiskaaga
Halbeegyada rasmiga ah ee xadka dhegeysiga maxkamadda iyo xilliyada xalinta kiisaska.
Codsiyada Damaanadda
1 – 15 Maalmood
Kiisaska mudnaanta leh ee la dedejiyeyRacfaanada Madaniga ah
3 – 6 Bilood
Himilada ah in la dhammeeyo 80% illaa 100%Dembiyada Culus
12 – 18 Bilood
Xadka ugu sarreeya ee ugu dambeeyaMaxay ka dhigan yihiin bartilmaameedyadan wax-qabad?
- Bartilmaameedka Aasaasiga ah (80%): 8 kiis 10kii kiis ee kasta waa in lagu soo gabagabeeyaa muddadaas gudaheeda.
- Bartilmaameedka Dhexe (90%): Halbeegga lagu maareeyo dacwado dhexdhexaad ah oo kakanaansho leh.
- Xadka Ugu Sarreeya (100%): Waqtiga ugu badan ee la oggol yahay ee lagu xallin karo xataa kiisaska ugu kakanaanshaha badan.
Hoggaanka Maxkamadda
Vaqsiyaadka hoggaamiya nidaamka garsoorka Deegaanka Soomaalida
C/kariin Axmad Aadan
C/kariin Axmad Maxamuud
"Xukun iyo Garnaq xalaal ah!"
"Xukun iyo xaqsoor xalaala!!"
"Caddaalad dib u dhacday waa caddaalad la diiday"
"Justice delayed is justice denied."
"Garsoor hufan iyo caddalad loo siman yahay."
Bahwadaagta & Macaamiisha Garsoorka
Dooro qaybta aad rabto si aad u eegto xiriirka iyo dhinacyada la shaqeeya maxkamadda
Dacwoodaha & Dacwaysanaha
Rayid & CiqaabRacfaanlaha & Racfaansanaha
Dib-u-eegisX/Ilaalinta Kala Duwan
QaanuunkaEeddaysaneyaasha
Difaac SharciQurbajoogta
Adeegyada DibaddaQareenada Madaxa-bannaan & Dawladda
Gargaar Bilaash ahArdayda Internshipka ama Paralegalska
Tababarka XirfadahaWararkii U Dambeeyay
La soco dhacdooyinka ugu dambeeyay, ogeysiisyada iyo howlaha Maxkamadda Guud ee DDS.
Waxaa Madasha kulamada Maxkamadda Guud ee DDS ka qabsoomay kulanki Hay’adaha Caddaalada iyo Garsoorka DDS.
Waxaa madasha kulamada Maxkamadda Guud ee DDS ka qabsoomay kulan lagu dhagaysanayay warbixintii kormeerka iyo
CALANKA QARANKU WAA ASTAANTA ITOOBIYAANNIMADA IYO GOBANNIMADA QARANKA
Maxkamadda Guud ee Dawladda Deegaanka Soomaalida
Xaqsoor hufan, sarraynta sharciga, iyo adeeg bulsho oo lagu kalsoonaan karo.



