Aragti, Himilo, iyo Qiyamka
Our Vision, Mission, and Core Values guiding public judicial services and institutional integrity.
Hadafka & Istaraatiijiyada
Aragti (Vision)
"In la arko hannaan Garsoor oo Kasbada Kalsoonida Shacabka (To see an institution that gained public trust)."
Himilo (Mission)
"Xaqiijinta adeeg-bixin Garsoor oo hufan, la heli karo oo ku salaysan ku dhaqanka sharciga (Ensuring the rule of law by providing efficient, effective and accessible judicial services)."
Qiyamka (Value)
Madax-bannaanida iyo la xisaabtanka
Awood garsoor oo madax-bannaan oo leh nidaam la-xisaabtan suuban.
Dhex-dhexaadnimo
Bixinta caddaalad aan eex iyo eexasho lahayn oo siman.
Hufnaan
Adeeg daahfuran oo bulshadu si fudud ula socon karto.
Karti xirfadeed
Xirfad, aqoon sare, iyo tayo shaqo oo heer sare ah.
Hirgelinta Isticmaalka & Adeegsiga Aalada Casriga
Adeegsiga tignoolajiyad horumarsan si loo dardargeliyo hawlaha.
Hannaan Ka qayb-gelin bulsho leh
Ku lug-yeelashada bulshada habraacyada iyo adeegyada maxkamadda.
Xidhiidhka/Iskaashiga Istiraatejiyadeed & Warbaahin
Iskaashi wax ku ool ah iyo xidhiidh la leh warbaahinta iyo hay'adaha.
Jihada Istiraatiijiyadeed iyo Yoolasha Sannadlaha ah
Jihada Istraatiijiyadeed ee Maxkamadaha DDS
- Madax-bannaanida, Dhex-dhexaadnimo, Cad-caddaanta iyo Isla-xisaabtanka garsoorka;
- Hufnaanta iyo tayada Adeegga garsoorka;
- Joogtaynta isbeddelka iyo kartida hay’ád ahaaaneed;
- Ballaadhinta Adeegga Garsoorka;
- Hirgelinta isticmaalka & adeegsiga aaladaha casriga ee tignaloojiyada horumarsan;
- Hannaan Ka qayb-gelin bulsho leh;
- Xidhiidhka/iskaashiga istiraatejiyadeed iyo warbaahin wax ku ool ah;
Yoolasha Halbeegga Qorshe Istiraatijiyadeedka Sannadlaha ah
- Xaqiijinta Madax-banaanida iyo dhex-dhexaadnimada garsoorka;
- Xoojinta hufnaanta iyo nidaamka isla xisaabtanka garsoorka;
- Kor u qaadista hufnaanta adeega garsoorka;
- Kor u qaadista tayada adeega garsoorka;
- Helitaanka adeega maxkamadaha iyo ballaadhinta nidaamka adeeg-fidinta;
- Kor u qaadista iskaashiga iyo taageerada heer-deegaan, heer qaran iyo heer caalami;
- Kor u qaadista wacyiga iyo ka qaybgalka dadweynaha;
- Kor u qaadista xirfadda hogaamineed iyo mid fulineed;
- Kor u qaadista waxtarka maaliyadeed iyo mid hantiyeed;
- Kor u qaadista ka qaybgalka haweenka;
- Kor u qaadista aqoonta iyo xirfadda la xidhiidha adeegsiga tiknooloojiyada;
