Ku Saabsan Maxkamadaha Deegaanka
Establishment, Historical Background, Judicial Authority, and Comprehensive Public Service Frameworks
Aas-Aaska Maxkamadaha
Maxkamadaha deegaanka waxa uu Golaha Xildhibaanada Deegaanku sannadkii 1991-kii T.I. ku aasaasay hab waafaqsan Qod. 65 (1) ee Dastuurka Dawlada deegaanka Soomaalida ee dib-loo habeeyay iyo Bayaanka dib loo habeeyay ee tirsigiisu yahay 206/13.
Bayaankani wuxuu si buuxda u aasaasay heerarka kala duwan ee Maxkamadaha Deegaanka, islamarkaana u kala dhisay Maxkamadda Guud ee heer deegaan, Maxkamadaha Sare ee Gobolada, iyo Maxkamadaha Degmooyinka.
Sooyaalka Taariikhda
Maxkamadaha Dawladda Deegaanka Soomaalidu waxay leeyihiin sooyaal taariikheed dheer tan iyo markii la aasaasay sannadkii 1991 T.I. Bilawgii hore, maxkamaduhu waxay xubin ka ahaayeen hay'adda fulinta islamarkaana ka tirsanaayeen Xafiiska Caddaaladda ilaa 1988-kii T.I.
Waxa ay Maxkamaduhu maamul ahaan iyo miisaaniyad ahaanba si rasmi ah gooni isugu taageen sannadkii 1989-kii, iyada oo ay hawl-galeen garsoorayaashii Soomaaliyeed ee ugu horreeyey ee ka soo baxay Kulliyada Adeegga Shacabka Dalka (Civil Service College).
Aragti, Himilo, iyo Qiyamka Maxkamadaha
Aragti (Vision)
"In la arko hannaan Garsoor oo Kasbada Kalsoonida Shacabka (To see an institution that gained public trust)."
Himilo (Mission)
"Xaqiijinta adeeg-bixin Garsoor oo hufan, la heli karo oo ku salaysan ku dhaqanka sharciga (Ensuring the rule of law by providing efficient, effective and accessible judicial services)."
Qiyamka (Values) & Bartilmaamedka
Madax-bannaanida & La-xisaabtanka
Garsoor madax-bannaan oo leh nidaam suuban iyo la-xisaabtan adag.
Dhex-dhexaadnimo & Hufnaan
Bixinta adeeg caddaaladeed oo daahfuran oo aan eex lahayn.
Karti Xirfadeed
Adeegsiga aqoon sare, tignoolajiyada horumarsan, iyo ka-qayb-gal bulsho.
Gudashada Waajibaadka Shaqo ee Maxkamadaha
Maxkamadaha Deegaanku waxay shaqadooda u gutaan iyagoo leh madax-banaani buuxda. Marka ay shaqadooda ku guda jiraana waxay ka madax-banaan yihiin faragelin kasta oo kaga timaada hay'adaha dawladda, masuul dawladeed, ama cid kaleba.
Waxay awood garsoor u leeyihiin arrimaha deegaanka si toos ah iyo racfaan ahaanba, marka laga reebo awood garsoorka gaarka u ah maxkamadaha federaalka sida ku cad Bayaanka tirsigiisu yahay 1234/2021, Qodobka 80aad ee Dastuurka Federaalka, iyo Qodobka 68aad ee Dastuurka Dib-loo-habeeyay ee Dawladda Deegaanka Soomaalida.
Qaab-Dhismeedka iyo Awood Garsoorka Maxkamadaha
1. Maxkamadda Guud ee Deegaanka
Heer DeegaanWaxaa la aas-aasay hab waafaqsan Qodobka 78aad (3) ee DJDFI, Qodobka 68aad ee Dastuurka Deegaanka, iyo Bayaanka 206/2013 Qodobkiisa 4aad. Waa maxkamadda ugu sarraysa hay’adda garsoorka ee deegaanka, waxayna leedahay awood garsoor oo kama-dambays ah.
- Awoodda Heer-Bilow (First-Instance): Dacwadaha gaarka ah, wareejinta dacwadaha ciqaabta/madaniga ah ee u dhexeeya maxkamadaha sare, iyo arrimaha hoos yimaada awooda maxkamadda sare ee federaalka.
- Awoodda Racfaanka (Appeal): Go'aamada ka soo baxa Maxkamadaha Sare ee Gobolada ee la xiriira racfaanka degmooyinka ama heer-bilowba waxay yimaadaan Maxkamadda Guud, go'aankeetuna waa kama-dambays.
- Awoodda Dib-u-eegista (Cassation): Eegista go'aamada kama-dambaysta ah ee leh khaladaad sharci oo aasaasi ah.
2. Maxkamadaha Sare ee Gobolada
Heer GobolWaxaa loo aas-aasay si waafaqsan shuruucda federaalka iyo deegaanka. Waxay wakiil ka yihiin awood garsoorka maxkamadda sare ee federaalka heerka koowaad.
- Dacwadaha Ciqaabta: Dacwadaha ciqaabta culus ee ka sarraysa 5 sano iyo dacwadaha federaalka ee loo wakiishay.
- Awoodda Hantida: Dacwadaha hantida guurtada ah ee cadadkooda lacageed ka badanyahay 2,000,000 Birr, iyo hantida maguurtada ah ee ka badanyahay 3,000,000 Birr.
- Racfaanka Degmooyinka: Dhagaysiga racfaanada ka yimaada Maxkamadaha Degmooyinka.
3. Maxkamadaha Degmooyinka & Maamul Magaalooyinka
Heer Degmo / MagaaloSida lagu xeeriyay Qodobka 10aad ee Bayaanka Maxkamadaha, waxay awood garsoor u leeyihiin:
- Dacwadaha ciqaabta ah ee ciqaabtoodu ka hoosayso 5 sano.
- Baadhista hore ee dembiyada culus ee ka dhaca awood garsoorka degmada.
- Dacwadaha hantida guurtada ah ee aan ka badnayn 2,000,000 Birr iyo hantida maguurtada ah ee aan ka badnayn 3,000,000 Birr.
Guddiga Maamulka Garsoorka (JAC)
Golaha Xildhibaanada DDS ayaa isaga oo ka duulaya Qodobka 70aad (1) ee Dastuurka Dib-loo-Habeeyay, Bayaanka Tirsigiisu yahay 216/2014 ku aasaasay Guddiga Maamulka Garsoorka Deegaanka.
Waa guddiga ugu sarreeya ee arrimaha maamulka hay’adda garsoorka, kaas oo hubiya in garsoorku ka madax-bannaan yahay faragelin kasta, kor u qaadaya awoodda fulinta, hirgelinta maamulka suuban, iyo la-xisaabtanka garsooreyaasha.
Sawirrada Xarumaha & Adeegyada Maxkamadaha
Entrance Main
Main Gate & Facility Entrance
Supreme Court
Apex Regional Court Headquarters
Judicial Chambers
Administrative & Session Offices
Court Infrastructure
Regional High Court Facilities
Ogeysiis Adeegga Shacabka: Wixii faahfaahin dheeraad ah ama habraacyada dacwadaha, fadlan la xiriir Xafiiska Diiwaanka ee Maxkamadda Guud ama Xafiisyada Maxkamadaha Sare ee Gobolada.
