Xeerka & Ilaalinta Xogta

Siyaasadda Khaas ahaanshaha

Maxkamadda Guud ee Dawladda Deegaanka Soomaalida

Dukumenti Rasmi ah La cusboonaysiiyay: 18-ka Oktoobar, 2026

Maxkamadda Guud ee Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS) waxay si buuxda uga go'an tahay ilaalinta xogtaada khaas ah iyo hubinta in macluumaadkaaga shakhsiga ah lagu maamulo heerka ugu sarreeya ee ammaan iyo sir, iyadoo la waafajinayo shuruucda iyo xeerarka Itoobiya ee khuseeya.

Siyaasaddan Khaas ahaanshaha waxay sharraxaysaa sida aan u ururino, u isticmaalno, u daah-furno, iyo u sugno macluumaadkaaga marka aad booqato degelkeenna rasmiga ah https://somalisc.gov.et. Adigoo isticmaalaya degelkeenna, waxaad oggolaanaysaa habraacyada ku xusan siyaasaddan.

01 Ururinta Xogtaada Shakhsiga ah

Waxaan ururin karnaa qaybaha soo socda ee xogta shakhsiga ah:

  • Xogta Aqoonsiga Shakhsiga ah (PII): Sida magacaaga, ciwaanka iimeylka, lambarka taleefanka, ama ciwaanka boostada, marka aad si tabaruc ah ugu soo gudbiso foomamka internetka, su'aalaha, ama diiwaangelinta.
  • Xogta Duruufaha Bulshada: Xog aan gaar ahayn sida da'da, jinsiga, ama doorbidisyada, haddii si tabaruc ah loo soo gudbiyo.
  • Xogta si Toos ah loo Ururiyo: Macluumaadka farsamada sida cinwaankaaga IP-ga, nooca biraawsarka (browser), nidaamka hawlgalka (operating system), bogga aad ka timid, iyo boggagii aad booqatay.

Waxa kale oo laga yaabaa inaan ururino tirokoobyo guud oo ku saabsan isticmaalka degelka si aan u horumarino waxqabadka iyo adeegyada.

02 Isticmaalka Xogtaada Shakhsiga ah

Maxkamadda Guud ee DDS waxay u isticmaali kartaa macluumaadkaaga shakhsiga ah ujeedooyinka soo socda:

  • In la hawlgeliyo oo la horumariyo shaqeynta degelkeenna.
  • In aan uga jawaabno su'aashaada oo aan maamulno codsiyadaada.
  • In aan bixinno adeegyada ama macluumaadka aad codsato.
  • Inaan kor u qaadno khibradda isticmaalaha oo aan habayno nuxurka degelka.
  • In la xaqiijiyo u hoggaansanaanta waajibaadka sharci iyo habraacyada garsoorka.
  • In la ilaaliyo amniga iyo hufnaanta degelkeenna iyo adeegyadeenna.

Ma iibinno, ma kirayno, mana u qaybino macluumaadkaaga shakhsiga ah dhinacyo saddexaad.

03 Daah-furka ama Gudbinta Xogtaada

Waxa laga yaabaa inaan daah-furno xogtaada kaliya xaaladahan soo socda:

  • Shuruudaha Sharciga: Marka uu sharci ka tirsan Itoobiya, amarka maxkamadda, ama habraacyada kale ee sharci ay waajibiyeen.
  • Iaalinta Xuquuqda: Si loo ilaaliyo loona difaaco xuquuqda, hantida, iyo amniga Maxkamadda Guud ee DDS, isticmaalayaasheeda, iyo bulshada.
  • Bixiyeyaasha Adeegga: La wadaagista la-hawl-wagaleyaasha farsamada ee lagu kalsoon yahay ee nagala caawiya ilaalinta degelkeenna, iyadoo ay ka go'an tahay inay ilaashadaan sirta.

Macluumaadkaaga shakhsiga ah weligood looma wadaagi doono ujeedooyin ganacsi awgood.

04 Adeegsiga Cookies-ka

Degelka Maxkamadda Guud wuxuu isticmaalaa cookies si uu u wanaajiyo khibradaada online-ka ah. Cookies-ku waxay nagu caawiyaan inaan:

  • Aqoonsanno dadka soo booqda ee soo noqnoqda.
  • Kaydino doorbidisyadaada booqashooyinka soo socda.
  • Falanqeyno saxmadaha degelka si loo sameeyo horumarin.

Wuxuu qofku dooran karaa inuu damiyo cookies-ka qaybaha goobta dejinta (settings) ee biraawsarkiisa. Si kastaba ha ahaatee, tani waxay xaddidi kartaa helitaanka astaamo gaar ah oo degelka ka mid ah.

05 Xuquuqdaada Xogta Shakhsiga ah (User Rights)

Muwaadin ama isticmaale kasta wuxuu xaq u leeyahay:

  • Inuu ogaado in xogtiisa la hayo iyo in kale.
  • Inuu codsado in la saxo ama la beddelo xog khaldan oo ku saabsan.
  • Inuu codsado in xogtiisa laga tirtiro diiwaannada foomamka internetka marka ujeedadiisu dhammaato.

06 Amniga Xogtaada Shakhsiga ah

Waxaan hirgelinaa tallaabooyin farsamo iyo maamul si aan u ilaalino xogtaada shakhsiga ah oo aan uga hortagno gelitaanka sharci-darrada ah, beddelka, daah-furka, ama burburinta. Tallaabooyinkan waxaa ka mid ah adeegsiga serbarro sugan (secure servers), xaddiditaanka gelitaanka xogta, iyo habraacyada siraynta (encryption protocols).

Si kastaba ha ahaatee, ma jiro hab gudbin oo internetka lagu mariyo oo sugan boqolkiiba boqol, mana dammaanad qaadi karno badbaado buuxda.

07 Haynta / Kaydinta Xogta

Waxaan haynaa macluumaadkaaga shakhsiga ah inta ay tahay mid lagama maarmaan u ah fulinta ujeedooyinka lagu qeexay Siyaasadan Khaas ahaanshaha, iyo si waafaqsan shuruucda sharciga ah iyo kaydinta ee deegaanka iyo federaalka.

08 Khaas ahaanshaha Carruurta

Degelka Maxkamadda Guud waxaa loogu talagalay isticmaalka dadweynaha, arrimaha sharciga, iyo maamulka. Looma jeedo carruurta ka yar 18 sano, mana ururinno si kas ah xogta shakhsiga ah ee carruurta yaryar.

09 Xiriiriyeyaasha Bogagga Kale

Degelkeenna waxaa ku jiri kara xiriiriyeyaal loo adeegsado degelka dibaddiisa. Ma masuul ka nihin habraacyada khaas ahaanshaha ee bogaggaas saddexaad. Waxaan kugula talineynaa inaad akhrido siyaasadahooda khaas ahaanshaha ka hor inta aadan la wadaagin xog shakhsi ah.

10 Isbedelada Lagu Sameeyo Siyaasadan

Waxa laga yaabaa inaan cusboonaysiinno Siyaasadan Khaas ahaanshaha waqti ka waqti si ay u muujiso isbedelada sharciga, dhaqanka, ama tiknoolojiyada. Wixii cusboonaysiin ah waxaa lagu soo bandhigi doonaa boggan, iyadoo taariikhda "Markii dambe la cusboonaysiiyay" la waafajin doono.

11 Nagala Soo Xiriir

Haddii aad qabtid su'aalo ama cabashooyin ku saabsan Siyaasadan Khaas ahaanshaha, fadlan nagala soo xiriir:

  • Iimeyl: info@somalisc.gov.et
  • Taleefon: XXXX
  • Degelka: https://somalisc.gov.et
  • Ciwaanka: Maxkamadda Guud ee Dawladda Deegaanka Soomaalida, Jigjiga, Itoobiya

Scroll to Top