Bahad-Dahar, 30 Koxdin/meskeram 2019T.I
Guddoomiyaha Maxkamadda Guud ee DDS, mudane C/kariin Axmad Adan, Guddomiye Kuxigenkiisa, Mudane C/kariin Axmad Maxamuud ayaa ka qaybgalay Shirkii Madasha turjimaannada sharciga oo ka qabsoomay caasimadda Bahar-Dahar:
Guddomiyaha Maxkamadda Guud ee Federaalka, mudane Tewdiros Mihret oo ka hadlay furitaanka madasha, ayaa sheegay in Madashan tirjumaanada Sharcigu ay gacan weyn ka geysanayso sidii loo dhisi lahaa nidaam garsoor oo caddaalad ah.
Dhanka kale, Guddomiyaha Maxkamadda Guud ee Axmaarada ayaa sido kale xusay muhiimadda ay madasha turjimaanada qaranku u leedahay dalka, isagoo iftiimiyay doorka ku aaddan hubinta ku dhaqanka sharciga, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo xorriyadda. Waxay door lama huraan ah ka ciyaartaa hubinta isdhexgalka bulshada, dhaqaalaha, iyo siyaasaddu in ay yihiin kuwo caafimaad qaba, nabad ah, oo la isku halleyn karo. Waxay si weyn uga qayb qaadataa dhismaha dawladda iyadoo xaqiijinaysa madax-bannaanida iyo isla-xisaabtanka hay’adaha garsoorka, taas oo dadweynaha u suurtagelinaysa inay helaan caddaalad dhexdhexaad ah, degdeg ah, oo tayo sare leh.
Madasha oo si qurux badan uga qabsoontay xarunta degaanka Axmarada ayaa lagu falaanqeeyay Ajendeyaasha ku aaddan dejinta qorshe-tubeedka iyo Dibu habaynta nidaamka adeegyada garsoorka ee saddexda sano ee soo socota iyo sidoo kale arrimaha la xidhiidha maamulka caddaaladda heer federaal iyo heer deegaan.
Sidoo kale, waxaa madasha lagusoo bandhigay in Nidaamka Maareynta dacwadaha ee loo yaqaano Court Case Management System (CCMS) uu dhawaan si buuxda looga fullin doono dhammaan Maxkamadaha Deegaanada dalka si loo sii xoojiyo kor u qaadista tayada go’aannada maxkamadaha iyo maaraynta xogta, taasoo xaqiijinaysa helitaanka nidaam caddaaladeed oo la isku halleyn karo.
Madasha ayaa la filayaa in ugu dambaynta lagu ansixiyo qorshe-tubeedka la hirgelin doono saddexda sano ee soo socota, kaas oo qeexaya jiho istaraatiijiyadeedka mustaqbalka iyo isbeddelka garsoorka dalka.
Maxkamadda Guud ee DDS, oo qayb ka ah dadaaladan isbaddalka ee guud ahaan dalka ka socda, ayaa waxay sii xoojinaysa doorka hay’adeed ee kaga aaddan, iyada oo maxkamadaha deegaanku sare u qaadaya adeeg bixin garsoor oo hufan, tayo leh islamarkaana la heli karo iyada oo la adeegsanaayo Aaladda tignoolajiyada casriga ah.









