Waxaa Madasha kulamada Maxkamadda Guud ee DDS ka qabsoomay kulanki Hay’adaha Caddaalada iyo Garsoorka DDS.

JigJiga, 26 Dirir/Diqimti, 2019T.I
Waxaa madasha kulamada Maxkamadda Guud ee DDS ka qabsoomay kulan muhiima oo ay yeesheen Hay’adaha Caddaalada iyo Garsoorka DDS, kas oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyinta hay’adaha caddaladda iyo garsoorka oo ka kooban; Maxkamadda Guud ee DDS, Xafiiska Caddaaladda, Xafiiska Nabadgelyada, Komishanka Booliska, Komishinka Asluubta iyo sidoo kale Maxkamada Guud ee Sharecada.

Kulankani oo uu shirgudoominayay Guddoomiyaha Maxkamada Guud ee DDS, Mudane C/kariin Axmad Aadan, ayaa lagaga hadlay ajendayaasha kala ah:

Dibu-bilawshinyaha madasha kulamada hay’adaha Caddaladda iyo Garsoorka Deegaanka.

Hagaajinta adeegyada bulshada, iyadoo la xoojinayo iskaashiga iyo xidhiidhka hay’adaha caddaaladda iyo garsoorka Deegaanka.

Lafo-gurka caqabadaha jira, iyo sida ugu habboon ee lagu xaqiijin karo adeeg-bixinta hay caddaaladda iyo garsoorku, u noqdaan kuwo hufan oo waxtar leh.

Dhinaca fidinta adeegyada caddaaladda, horumarinta iyo iskaashiga wadashaqayneed ee hay’adaha cadaalada iyo garsoorka.

Xaqiijinta sarreynta sharciga iyo in adeegbixinta hay’adaha lagu saleeyo oo kaliya sarreynta sharciga, iyada oo la dhowrayo xuquuqda aadamaha.

Dar-dargalinta hawlaha hortabinta u leh hay’adaha caddaladda iyo garsoorka, udub-dheexaadkana u ah helitaanka adeeg cadaaladeed hufan oo kasbada kalsoonida shacabka.

//////////=== Dhammaad=/////////
Waaxda isgaadhsiinta iyo Arrimaha Dadweynaha; Ku xidhnaw ciwaanada rasmiga ah ee hay’adda garsoorka, si aad u hesho macluumaadyada dheeriga ah:
[Linkedin];https://www.linkedin.com/in/somali-regional-state-supreme-court
[Telegrame]:https://t.me/SomaliRegionSupremeCourt
[Facebook page]:
https://www.facebook.com/share/1DzfhgzFeX/
[Facebook]:https://www.facebook.com/share/1DPAv8qXis
https://www.facebook.com/profile.php?id=100068902548708
[Youtube Channel]:
https://youtube.com/@somaliregionsupremecourt?si=mc8XYCrF3gimQ8vt
[Instagram]:https://www.instagram.com/somaliregionsupremecourt
[E-Mail]: srssupremecourt@gmail.com

Scroll to Top