Waxaa madasha kulamada Maxkamadda Guud ee DDS ka qabsoomay kulan lagu dhagaysanayay warbixintii kormeerka iyo dabagalka Maxkamadaha Deegaanka

Dirir/diqimti 04/ 2019T.I
Waxaa madasha kulamada Maxkamadda Guud ee DDS ka qabsoomay kulanki dhagaysiga iyo qiimaynta warbixintii kormeerka iyo dabagalka Maxkamadaha Gobolada, taaso ay soo bandhigeen laba kooxod oo Maxkamadda Guud ee Deegaanku uu kala dirtay Maxkamadaha gobolada, Degmoyinka iyo Maamul magaaloyinka Deegaanka.

Ujeeddada kormeerka iyo dabagalka xubnaha oo ahaa mid loogu kuur galaayo wadciga shaqo, laguna qiimeeynaayo- goobaha adeeg-bixinta, habsami-u-socodka shaqada, xaaladda adeegyada loo fidinayo bulshada, iyo hubinta heerka adeeg bixinta Maxkamadaha ee sannad-shaqeedkan, ayaa waxay xubnuhu usbuucyadi lasoo dhafay ay hawlgal shaqo kusoo mareen maxkamadaha Gobolada, Degmooyinka iyo Maamul Magaaloyinka, kaaso gaar ahaana ay diiradda ku saaren hawlaha muhiimka ah ee dhinaca; shaacinta shaqada, nidaaminta xogta faylasha ee 5ti sanne u dambaysay, dhanka buugaagta diiwaangelinta, kaydinta iyo habeynta Gal-dacwadeedyada, ku sugnaanshaha goobta shaqada, hab-shaqeedka fadhiyada, xogta shaqaalaha, iyo sidoo kale buuxinta foomka xubinimada Garsoorayaasha Deegaanka.
Kulanka waxaa kasoo qaybgaleen Guddoomiyaha maxkamadda Guud ee DDS, mudane C/kariin Axmad Aadan iyo Guddomiye kuxigeenka Maxkamadda Guud, mudane;C/kariin Axmad Maxamuud, ayaa lagusoo bandhigay laguna qiimeeyay warbixinadi kormeerka iyo dabagalka, iyadoo gaar ahaan geeddi-socodka qiimaynta mudnaan gaara la siiyay qodobo muhiim ah oo bartilmaameed u ah geeddisocodka shaqo ee maxkamadaha.

Hawlahan oo qayb ka ah dadaalada lagu horumarinayo hufnaanta iyo habsami-u-socodka adeegyada garsoorka ee Maxkamadaha Deegaanka ayaa la filaya in ugu dambaynta ay natiijo wax ku ool ah lagasoo saaro.

         ==== Dhammaad=====
Scroll to Top