JIGJIGA, Dirir, 2, 2019 T.I. Guddomiyaha Maxkamadda Guud ee DDS, mudane C/kariin Axmad Aadan, ayaa ka qeybgalay munaasabad heer sare ah oo si maamuus iyo sharaf qaran leh loogu xusay Maalinta Calanka Dalka, taasi oo sido kale ay kasoo qaybgaleen Madaxweynaha DDS mudane Mustafe Muxumad Cumar, Afayeenka Golaha xildhibaanada Deegaanka Mudane Mubashir Dubad iyo Heerarka kala duwane Hoggaaminta deegaanka.
Maalinta Calanka Qaranka oo sannad kasta la xuso Isniinta ugu horreysa toddobaadka koowaad ee bisha Tikimt, ayaa munnaasibadda xuska maalinta qaranka ee sannadkan Hal-ku-dheggedu yahay “Calankeenna oo saldhig u ah is-afgaradka qaranka iyo midnimadeena”
Munaasabaddan ayaa ah maalin ay shacabka Itoobiya si wadajir ah ugu maamuusaan calanka ay muwaadiniin badani u naf waayeen, dhiiggooda iyo dhididkooda u hureen, si ay u ilaashadaan xuduudaha iyo sharafta dalkooda.
Maalintan ayaa ah maalin iyo munnaasibad si weyn loogu muujiyo maamuuska uu calanku mudan yahay, lagu xoojiyo qiyamka ay wadaagaan muwaadiniinta, islamarkaana lagu kobciyo is-afgaradka ku salaysan midnimada qaranka iyo wada noolaanshaha qowmiyadaha kala duwan.







